#Lammaane Reer #Britain ah oo #Taliban ku #xirtay #Afgaanistaan oo #UK dib ugu soo #laabtay

#London – Lammaane u dhashay Britain oo muddo ku dhow siddeed bilood ku xirnaa Afgaanistaan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalka UK, kaddib markii kooxda Taliban ay siideysay.

Peter Reynolds, 80 jir, iyo xaaskiisa Barbie, 76 jir, oo ku noolaa Afgaanistaan ku dhawaad labaatan sano, ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow, iyagoo ka soo duulay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Labadan qof ayaa Jimcihii dib ula midoobay gabadhooda oo joogtay Qadar, iyagoo muujiyay farxad weyn oo ku aaddan dib u heliddooda xorriyadda.

Wiilkooda, Jonathan Reynolds, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka “Today” ee BBC Radio 4 ku sheegay in uu “aad ugu faraxsan yahay oo si qoto dheer ugu mahadcelinayo dhammaan dadkii ka qayb qaatay sii deyntooda.”

Kooxda Taliban ayaa lammaanahan xirtay 1-dii Febraayo, iyagoo ku andacooday in ay jebiyeen sharciyada dalka Afgaanistaan. Inkasta oo dacwado maxkamadeed lagu soo oogay ka hor sii dayntooda, haddana kooxda Islaamiga ahi weli ma aysan shaacin sababta rasmiga ah ee xabsigooda.

#DHAMMAAD
#Lammaane Reer #Britain ah oo #Taliban ku #xirtay #Afgaanistaan oo #UK dib ugu soo #laabtay #London – Lammaane u dhashay Britain oo muddo ku dhow siddeed bilood ku xirnaa Afgaanistaan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalka UK, kaddib markii kooxda Taliban ay siideysay. Peter Reynolds, 80 jir, iyo xaaskiisa Barbie, 76 jir, oo ku noolaa Afgaanistaan ku dhawaad labaatan sano, ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow, iyagoo ka soo duulay magaalada Dooxa ee dalka Qadar. Labadan qof ayaa Jimcihii dib ula midoobay gabadhooda oo joogtay Qadar, iyagoo muujiyay farxad weyn oo ku aaddan dib u heliddooda xorriyadda. Wiilkooda, Jonathan Reynolds, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka “Today” ee BBC Radio 4 ku sheegay in uu “aad ugu faraxsan yahay oo si qoto dheer ugu mahadcelinayo dhammaan dadkii ka qayb qaatay sii deyntooda.” Kooxda Taliban ayaa lammaanahan xirtay 1-dii Febraayo, iyagoo ku andacooday in ay jebiyeen sharciyada dalka Afgaanistaan. Inkasta oo dacwado maxkamadeed lagu soo oogay ka hor sii dayntooda, haddana kooxda Islaamiga ahi weli ma aysan shaacin sababta rasmiga ah ee xabsigooda. #DHAMMAAD
1 Comments 2 Shares 21 Views